Idalenews-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta lagu wadaa inuu hortago Xildhibaanada Golaha shacabka, kaddib markii laga geeyay mooshin talo soo jeedin ah oo lagu dalbanayo in su’aalo lagu weydiiyo.
Mooshinkan oo Arbacadii la soo dhaafay ay ka gudbiyeen illaa 12 Xildhibaan, waxaana Yuusuf Garaad lagu heystaa ku dhaqan la’aanta sharci Lr. 112 sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda ee dalka la dhaqan galay 05/09/2013 gaar ahaan qodobkiisa 1aad(b) iyo qodobka 4aad ee shuruudda diblomaasiga dibadda loo diraayo.
Sidoo kale qodobada lagu heysto Wasiir Yuusuf Garaad ayaa waxaa ka mid ah qaabka awood qeybsiga beelaha 4.5 iyo qoondada beel walbo ay ka tahay in ay ka hesho shaqaalaha arrimaha dibadda, waxaa kale oo wax laga weydiin doona shuruudaha laga doonayo diblomaasiga dibadda loo dirayo.
Wasiir Yuusuf Garaad ayaa wax laga weydiin doonaan qorshaha fulinta ku dhaqanka sharciga shaqada Arrimaha dibadda ee Lr 112 iyo inuu golaha shacabka u caddeeyo mudada uu fulinayo qorshihiisa.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka ayaa sheegay in mooshinkan aanay lid ku aheyn Wasiirka, balse uu yahay mid talo soo jeedin ah oo su’aalo lagu weydiinayo.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore cafiyay Wasiir Xoosh, oo horay uga baaqsaday kulan looga yeeray, taasoo ka dhalatay xiisad, aakhirkii lagu qasbay in Wasiirka raalli gelin ka bixiyo qoraal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.
Like it? Share it!