Idalenews-Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhexeeyay ee ka dhashay doorashooyinkii dalka ka dhacay.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulamo aan lagu kala kicin kadib labada dhinac ay ku gaareen heshiis is cafis iyo is faham ah iyagoo ka heshiiyay mugdigii u dhaxeeyay wada shaqayn bayna ku balameen sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno magaalada Kampala.
Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khilaafkoodu meel sare gaaray horaantii sanadkan kadib markii doorashadii madaxweynaha ay soo dhowaatay. Waxana kulankan ay yeesheen uu yahay kii ugu horeeyay oo si fool ka fool ah u kulmaan.
Warar ayaa sheegaya in dowlada Uganda ka shaqeysay heshiiska labada siyaasi iyadoo Sheekh Shariif uu degen yahay magaalada Kampala halka Xasan Sheekh Maxamuud uu degen yahay dalka Tanzania,waxaana la rumeysan yahay in Xasan Sheekh Maxamuud uu isgu yimid Kampala si kulanka uu u dhaco.
Hadalo kulkulul ayay labada dhinac saxaafada isu mariyeen waxayna ku guuldareysteen inay isu tanaasulaan illaa daqiiqadii ugu dambeysay doorashada oo uu ku soo baxay Madaxweynaha haatan talada haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Inkastoo labada siyaasi ay haatan heshiis gaareen ayaan hase ahaatee la ogeyn inay siyaasada hal meel uga soo jeesan doonaan iyadoo weli la rumeysan yahay in labaduba aysan siyaasada ka bixin.
Si kasta ha ahaatee heshiiska ay gaareen labadii Madaxweyne ee loogaga adkaaday doorashadii horaantii Febraayo ka dhacday Muqdisho ayaa dadka qaarkii ayaa waxa ay rumeysan yihiin in uu culeys ku noqon karo dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.