Golaha shacabka oo manta ansixiyay Miisaaniyadda Sanadkan 2017

0
199

Idalenews-Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dib u eegis ku sameynayay Miisaaniyadda sanadkan, iyadoo lixdii bilood u horeysay Miisaaniyadda ay dhamaatay.

Miisaaniyadda loo soo gudbiyay Baarlamaanka ayaa ku qotontay dhameystirka lixda bilood ee sanadkan ka hartay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dood ka keenay qodobo ka mid ah miisaaniyadda iyo qaabka lagu saleeyay, iyadoo si aan isla ekeyn Maamul Goboleedyada dalka loogu qoondeeyay bajadyo.

Miisaaniyadda sanadkan ayaa gaareysa lacag dhan 260 milyan oo dollar