Maxaa Ka soo kordhay Xalka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur?

0
183

uly 20 (Idaalenew)— Al-Shabaab ayaa la sheegay inay kordhiyeen cadaadiska iyo hanjabaada ay ku hayaan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ciidamo fara badan ku heysta deegaan ka tirsan Gobolka Bakool.

Sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan yahay Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore dhaq dhaqaaq ciidan ka sameeyay agagaarka deegaan lagu magacaabo Abal oo uu ku sugan yahay Abuu Mansuur.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay diyaariyeen ciidamo weerara Abuu Mansuur, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ciidamada loo diyaariyay inay weeraraan uu hoggaaminayo Sheekh Xasan Yacquub oo ah Guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Galgaduud.

Tan iyo markii dowladda Mareykanka ay shaacisay in ka qaaday xayiraadii lacageed ee saarneyd Abuu Mansuur waxaa kordhay cadaadiska uu kala kulmayo Al-Shabaab.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa horay u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay doonayaan inay weeraraan Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur oo sanadkii 2013 ka tagay kooxda ayaa ku sugnaa deegaanada uu ka soo jeeda ee Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku heysto ciidamo aad u fara badan oo u dhashay Beeshiisa.