video Wariye Ka Badadbaaday Qarax Saldhiga Waabari Iyo khasaarahii Ka Dhashay Full

0
196

Warar hordhac ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor dhaw lagu weeraray saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Ilaa Sagaal ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen qaraxa halka tiro  ka badan 15 ruux kalana ku dhawaacmeen kaddib markii gaariga weerarka geystay lagu dhuftay ilinka hore ee saldhiga.

Dadka dhintay waxaa ku jira dad wadada marayay oo ay haween ka mid ahaayeen iyo qaar ka mid ah ilaalada saldhigga.

Qaraxan ayaa dhacay maalin kaddib markii weerar culus oo ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta degmada Wadajir oo ay ku dhinteen tiro ka badan 20 ruux.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa  wali ku howlan qaadista dadka wax yeellada ka soo gaartay qaraxa maanta.

Wixii warar kale ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

https://www.youtube.com/watch?v=eLBbpKK-wtU&feature=youtu.be