Bismilaahi Waxaan Rabaa Maanta Inaan Qoraalkan uga Hadlo Wararka Ay Tebiyaan Websiteyada Qaar in Hadalada Qaar ee ay Ku Baahiyaan Barahooda Bulshada ay Umadda Soomaaliyeed ee Isticmaasha Baraha Bulshada isaga Horkeenaan Ayagoo aan Ka Fiirsan Raadka ama Waxyeeladda uu yeelan Karo Qoraalkaasi. Tusaale Hadaan Usoo Qaato, Qoraal uu Shaleyto soo Bandhigey Website Ka Caasimadda Online oo ay Ku Sheegeen in la Aqoonsadey Dadkii Isku Qarxiyey Masiibadii Ka Dhacdey Pizza House iyo Posh Treats Dhamaantood iney kasoo Jeedeen Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay Weliba Qabiilo Ku Sheegeen. Marka Waxaan Tifaftiraha Caasimadda Weeydiinayaa 2 Su’aalood.
1. Al-Shabaab ma Kooxbaa mise waa Qabiil?
2. Dadka Weerarka Geystey Qabiil Baad Ku Sheegteen, Halyeeyadii Habeenkaas oo dhan Dagaalka Kula jirey ee Umadda Soo Badbaadiyey Ragii kaga Geeriyoodey Maxaad u Sheegi Weeyseen Qabiilkooda mise kāma Dhex taqaaniin Ciidanka Dowlada?
Sidaa zaaien ma aha? Hadaba Anaa Caasimadda u Sheegaayo in ay Halyeeyadaasina kasoo Jeedeen Koonfur Galbeed balse ay aheeyeen Ciidan Qaran oo Soomaaliyeed. Ujeedadeydu ma aha inaan Kala sooco Ciidan Qaran Sida aad Al- Shabab u Kala Soocdeen oo aad Qolo Keliya Ku tilmaanteen Dadka Weerarka Geystey Ayadoo la Ogyahay in Soomaali oo dhan ay isugu jirto Al-Shabaab. Balse Markaan Arkey, Umad Soomaaliyeed oo Qabiilo Badan ka kooban in ay si xun isugu Aflagaadeeynayeen Facebooga Xumaan Ka Dhalatey Qoraalkaas Dartiis. Ayaan Waxaan Go’aansadey inaan Dareenkeyga Qoraalkan idiinku soo Bandhigo. Marka Waxaan Dhihi lahaa Maamulka Websiteka Caasimadda Hadalada Xanafta leh ee Bulshada Qalbiyadooda was gaarsiiya Ka daaya Qoraaladiina. Taas Bedelkeeda Isku daya inaad soo gudbisaan Qoraalo Ka tarjumaya Horumarka iyo Midnimadda Umadda Soomaaliyeed. Dhibanayaasha Soomaaliyeed ee Eheladoodu Waxyeeladda soo gaarteyna Laabtoodda ha Damqinina oo Qabiil Afka ha u gelinina ee Ilaah Ka Cabsada. Wabilaahi Toowfiiq.
Qore ex xildhibaan mukhtar macalin xasan