Wasaarada Haweenka Koonfurgalbeed ayaa maanta xustay maalinta caruurta qaarada Afrika oo lagu qabtay Magalada Baydhaabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Munaasabada Xuska ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka wasarada Beeraha iyo warabka ahna kusimaha Madaxweynaha dowlada KG ,wasiirka hub kadhigista , Dhaqan celinta iyo Tababrada maleeshiyada Koonfur Galbeed, wasaarka dib u dajinta iyo arimaha Jaaliyadaha, wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalanyarada, culu’maadin iyo Gudomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo ahna Duqa Magalada Baydhabo.
Munaasabada ayaa waxay ahay mid lagu gubaabinayey caruurta magaalada Baydhaabo sii ay u gaaran horumar iyo noolal wanagsan.
In la xuso maalintaan ayaa ka danbaysay kadib markii markii la xasuuqay Carruur ku mudaharaadayey dalka Koonfur Afrika sanadku markuu ahaa 1960, wixii markaasi ka dambeeyey waxaa maalinkaas loo aqoonsaday maalinka Carruurta Afrika.
Ugu dambeyntii, Maanta oo kale ayaa africa laga xusaa maalinta caruurta africa iyadoona laga hadlo sidii carruurtu ku heli laayeen xaquuqdooda asaasiga ah sida Amni, Waxbarasho iyo Caafimaad, iyo daryeel wanaagsan.
Halkan Ka Daawo VIDEO
https://www.youtube.com/watch?v=8w-6145UFkM&feature=youtu.be