DHAGEYSO: Maxkamadda Ciidamada QS oo fulisay xukun dil ah “SAWIRRO”

0
222

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay C/qaadir Cabdi Xasan oo ku eedeysnaa  in uu fuliyay Qaraxii ka dhacay suuqa beerta ee Degmada Waaberi, 26-ki November 2016.

Dilkan toogashada ah oo ka dhacay Fagaaraha ku yaalla Iskool buluusiya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta ugu sareysa ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Saraakiil Ciidan Ciidamada dilka fulinayay iyo xubno kale.

Saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay ninkaan inuu horay u qirtay dambiga ah inuu ka dambeeyay qaraxaasi Shabaabna uu ka mid ahaa.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Dhame Muumin Xuseen C/laahi ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah.

Qaraxii ka dhacay suuqa beerta ee Degmada Waaberi 26-kii November 2016 ayaa waxaa ku dhimatay 10 Qof halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad shacab ah oo halkaasi ku Ganacsanayay.

https://www.youtube.com/watch?v=GEFC60EUDvQ

Dil 1Dil 2Dil 3Dil 4Dil 5Dil 6Dil 7Dil 8Dil 9