DHAGEYSO:-MAXAMUUD SAYID ADEN OO XARIGA KA JAREY MASHAARIIC LAGA HERGELIYEY BAARDHEERE

0
252

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Wafdi
balaaran uu hogaaminayo ayaa  Maanta soo gaarey Magaalada Baardheere
,iyadoo ujeedadada Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka oo ay ka mid
ahaayeen Xubno Wasiiro ah ayaa la xariirtey Furitaanka  4 mashruuc oo
dhowaan dhismahooda la soo gunaanadey.

Dhismayayaasha sida rasmiga ah loo furey ayaa waxaa ka mid ahaa
,Xarunta Maamulka degmada Baardheere,Xarunta Bulshada,Garoonka kubada
Cagta iyo Togaga biyo mareenada,Xafladii lagu fureyay Mashraaciidaasi
oo si heer sare loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qeyb galey Boqolaal
dadweyne ah oo isugu jiray mas,uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo,kan
degmada Baardheere,Odoyaasha dhaqanka, haweenka  iyo qeybaha kale
duwan ee Bulshada Baardheere.

Xubnaha Maxamuud Sayid Aden ku weheliyey Safarka shaqo oo si heer sare
ah loo soo dhaweeyey ayaa waxaa ka mid ahaa Sh.Maxamed Aw libaax oo ah
Wasiirka dhlinyarada iyo Isboortiska,Maxamed Cabdi Kaliil oo ah
Wasiiru dowlaha Arimaha gudaha ee Jubbaland ,C/raxmaan Cabdi
xuseen,wasiir ku xigeenka A/Gudaha iyo xubno kale ..

Maxamuud Sayid Aden oo ka hadlaayey Xaflada furtaanka ee dhismayaasha
laga hergeliyey Baardheere ayuu ku amaanay Maamulka degmada Baardheere
iyo hay,adahii gacanta ka geystay dhismayaashan,isagoona ugu
mahadceliyey Midowga Yurub iyo SSF oo suurta geliyey dhismayayashan in
ay dhaqaalo ku bixiyeen.

Mashaariicdan ayaa noqonaya kuwii ugu balaarnaa ee laga hergeliyo
degmada Baardheere ,dhinaca kalena Waa markii ugu horeysay Wafdi
balaaran oo ka socda Jubbaland ay soo gaaraan Magaalada Baardheere