Baydhabo (INO); Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Islii lagu toogtay labo nin oo mid kamid ah uu Soomaali yahay.
Ciidamada amaanka dalka Kenya gaar ahaan kuwa dhar cadka ee loo yaqaan Flying Squad ayaa wadada koobaad ee xaafada Islii ku toogtay labo nin oo la sheegay in ay ahaayeen burcad, ragan la dilay ayaa mid kamid ahaa Soomaali halka kan kalana uu ahaa Oromo.
Ganacsatada ku sugan Xaafada Islii ayaa sheegay in raga la dilay ay ka tirsanaayeen koox burcad oo oo loo yaqaan Super Power , kooxdan ayaan ah koox dhibaato badan ku heesay Soomaalida kunool Xaafada Islii
Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in mudo ah baadi goob ugu jireen kooxaha burcada ah ee dadka ku dhibaateeya xaafada Islii, waxaana ragan la toogtay la sheegay in horey u baadi goobayeen ciidamada amaanka.
Kooxda Super Power ayaa isugu jira dhalinyaro Soomaali iyo ajaaniib kale, waxa ayna kooxdan oo xiliyada qaar hubeesan ay dhibaato xoogan ka wadeen xaafada Islii halkaas ay ddaka waxyeelo ku gaarsiin jireen sidoo kale dhac ugu geesan jireen.
Idale News Online