Muqdisho (INO); Israsaaseyn khasaare nafeed geysatay ayaa maanta ka dhacday xaafada Seben- Seben oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir taasoo dhexmartay labo askari oo ka wada tirsan ciidamada dowladda.
Goob-joogayaal ayaa sheegaya in israsaaseyntan ay bilaabatay markii labadan askari uu soo kala dhex galay muran aan la ogeyn waxaa uu salka hayo, kaasoo keenay iney qoryaha isku jeediyaan.
Tacshiirada ay labada askari isweydaarsadeen oo khal khal ka abuurtay xaafado ka tirsan degmada Dayniile ayaa waxaa ku dhintay qof shacab ah oo aan waxba galabsan kaasoo ay haleeshay rasaasta la isku furay.
Ciidamada amaanka maamulka degmada Dayniile oo ku soo baxay rasaasta ayaa haatan ku raad jooga askarta israsaaseyntu dhexmartay oo baxsaday, iyagoo isku dayaya iney soo xiraan sida ay sheegeen saraakiisha amniga maamulka degmada dayniile.
Idale News Online,