Daawo Sawirada: Qaraxyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Suuq kuyaala magaalada Parachinar ee dalka Pakistan

0
239

Baydhabo (INO); Qarax xoogan oo dad badan ku dhinteen ayaa ka dhacay Suuq mashquul badan oo kuyaala magaalo qabaa’ilka degaan oo ku taala waqooyi galbeed ee dalka Pakistan gaar ahaan dhinaca xuduuda Afgaanistan.

Inta la xaqiijiyay qaraxan xoogan waxaa ku dhintay 20-qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 50-qof oo kale, waxaana dadka dhaawacmay qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus kuwaa oo lagu daaweenayo xarumo caafimaad.

Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Parachinar ee xarunta maamul goboleedka Kurram ayaa lala beegsaday meel u dhow halka laga galo masjid shiicada ay leeyihiin oo u gaar ah haaweenka, waxaana halkaasi sidoo kale kuyaala Suuq mashquul badan.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxan ka dhacay dalka Pakistan ayaa laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan, ma jirto wali koox sheegatay masuuliyada qaraxan dhiiga badan ku daatay waxaana la tuhmayaa in ay fuliyeen kooxaha hubeesan ee ka dagaalama Afgaanistan iyo Pakistan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Nawaz Sharif ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxa dadka badan lagu laayay , wuxuuna ku celiyey in Pakistan ay ka go’an tahay inay dalkeeda ka cirib tirto kooxaha uu ugu yeeray argagixisada.

Dowlada Pakistan ayaa diyaarado nuuca milatariga u dirtay magaalada uu ka dhacay qaraxa xoogan, waxaana dhaawacyada dadka wax noqday qaarkood loo qaaday magaalooyin kuyaala dalka Pakistan.

 

Idale News Online,