Donald Trump oo qorsheynaya inuu gebi ahaanba joojiyo deeqaha uu bixiyo dalkiisa

0
225

Baydhabo (INO) ; Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa doonaya in Congresska Maraykanka uu ansixiyo qorshe uu ku doonayo in uu ku joojiyo dhammaan deeqaha dowlada Maraykanku ay siiso caalamka xilli saddex dal oo wadanka Soomaaliya uu ka mid yahay la sheegay in ay ka jiraan abaarihii ugu darnaa 70kii sano ee la soo dhaafay.

Haddii uu Congressku uu ansixiyo qorshahan ayaa laga deyrinayaa in ay ka dhashaan xaalado adag kuwaasoo soo wajaha qaarada Afrika oo saameyn weyn ay ku yeesheen abaaraha waxaana laga digayaa in ay arrintan ka dhalan karaan in mowjado qaxooti ah ay ku soo fatahaan qaarada Yurub iyo in taageero ay helaan ururada lagu tilmaamo inay yihiin xagjir.

Madaxweyne Trump ayaa qorsheynaya in miisaaniyada dalkiisa gebi ahaanba laga jari doono mashaariicda caawiya dadka ugu taagta daran ee caalamka, agaasimaha miisaaniyada Mick Mulvaney ayaa saxafiyiinta u sheegay toddobaadkii la soo dhaafay in miisaaniyada ay dibada ku bixin doonto wax aad u yar halka gudaha lacag badan loo isticmaali doono.

Maraykanka ayaa caadiyan ahaa dalka ugu badan ee lacagaha ugu deeqa Qaramada Midoobay waxana uu siin jirey dalalka Qaarada Afrika gargaar daqaale. Sanadkii 2016 oo kaliya ayaa waxa uu Maraykanku ugu deeqay hay’ada WFP lacag gaareysa 2 bilyan oo dollar.

Ugu yaraan 16 Malyan oo ruux oo ku nool dalalka Nigeria,Somalia iyo South Sudan ayaa halis ugu jira bilaha soo socda in ay dad badan gaajo iyo nafaqo darro ugu dhintaan.

Qeybo ka mid ah wadamada Nigeria iyo South Sudan ayaa xaaladoodu gaartay heer la yiraahdo waxaa ka jirta Macluul. Dalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay waxa ay ku sheegtay in 2.9 milyan oo ruux ay qarka u saaran yihiin in ay cunto la’aan soo wajahdo.

Madaxa Qaramada Midoobay ee arrimaha bani’aadanimada Stephen O’Brien ayaa sheegay in jirto xaalad bani’aadane tii ugu xumeyd tan iyo markii la aasaasay Qaramada Midoobay.

Ugu yaraan $4.4 billion ayaa loo baahan yahay in loogaga hortago baahida halista ah ee ka jirta  dalalka0 ee Nigeria,Somalia,Koofurta Sudan iyo dalka Yemen sida uu sheegay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres dhamaadkii bishii February,balse illaa iyo hadda waxaa soo gaaray Qaramada Midoobay boqolkiiba toban.

 

 

Idale News Online,