Baydhabo (INO); Ciidamada Kenya ayaa xabsiga dhigtay shaqsi aad loo raadinayay iyo kaaliyayaashiisa kaasoo lagu eedeynayo in uu ku lug lahaa sidii ay dhalinyaro ugu biiri lahayd ururka IS.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cali Xuseen Cali iyo labo kaaliyayaashiisa ah laga soo qabtay magaalada xeebta ku taal ee Malindi.
War ay ciidamada Booliska soo saareen ayaa lagu sheegay in Cali uu gacan ka geystey sidii ay dhalinyaro ugu biiri lahaayeen ururka IS gaar ahaan dalka Libya iyo weliba ururka Alshabaab.
Booliska Kenya ayaa sheegay in Cali uu ku dhashay magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho uuna soo galay dalka Kenya sanadkii 2010kii isagoo iska dhigey inuu yahay dalxiise,kadibna waxa uu u gudbay wadamada Libya,Koofur Afrika iyo dalka Sudan halkaa oo uu ku biirey ururka IS kahor inta uusan ku soo laaban dalka Kenya bishii November ee sanadkii hore.
Labada ruux ee lala xirey Cali Xuseen Cali ayaa lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin ururada IS iyo Alshabaab.
Ururka Alshabaab ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa ay weeraro ka geysanayeen dalka Kenya halka ay sidoo kale labo weerar oo lagu qaaday dalka Kenya ay sheegteen ururka IS.
Idale News Online,