Wasiirada cusub oo laga saxiixayo warqad ay ku cadeynayaan hantidooda gaarka ah

0
241

Muqdisho (INO); Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka dalbaday Golihiisa Wasiirada cusub inay soo bandhigaan hantidooda gaarka ah, marka ay xilka la wareegayaan.

Kulankii Golaha Wasiirada ee shalay ayaa lagu soo bandhigay labo qodob oo muhiim ah oo looga baahan yahay in Wasiirada cusub ay ku soo buuxiyaan waraaqado.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Eng. C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa u sheegay Warbaahinta in Wasiirada cusub laga buuxiyo foomam ay ku qoran yihiin anshaxooda, sida ay u shaqeynayaan, inay aamin yihiin.

Sidoo kale Wasiir Yariisow ayaa sheegay in Wasiirada cusub laga saxiixayo waraaqado ay ku cadeynayaan hantida gaarka ah ee ay leeyihiin, si marka ay timaado isla xisaabtan loo ogaado hantidooda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhowr jeer ku cel celiyay in Wasiiradiisa cusub uu la xisaabtami doono, isla markaana aanu jiri doonin in hantida qaranka la iska lunsado.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu qaado Ra’iisul Wasaare, iyadoo tani ay tahay arrin lagu xusuusan doono Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

 

Idale News Online,