Muqdisho (INO); Agaasimihii hore ee Hab Maamuuska Madaxtooyada iyo Kaaliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/raxmaan Aadan Cusmaan (Kampaala) ayaa loo magacaabay Safiir Kuxigeenka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Qunsulka koowaad ee Safaaradda.
C/raxmaan Kampaala ayaa bedelaya Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo horay xilkan u hayay, kaasoo hada ah Senator ka tirsan Aqalka sare.
Wararka ayaa sheegaya in magacaabistan ay horu dhac u tahay, is bedel la filayo in lagu sameeyo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, iyadoo safiir cusub dhowaan loo magacaabi doono.
Safiirkii Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Jamaal Maxamed Hassan ayaa waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha.
Ugu dambeyn magacaabista C/raxmaan Kampala ee Safiir kuxigeenka Safaaradda Kenya ayaa tusaale wanaagsan u noqon kara dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa wax kubartay iyo Kuwa hamigooda yahay inay ku soo biiraan siyaasada dalka.
Idale News Online,