Baydhabo(INO)- Macalimiin ay Gaareyaan 45 Ayaa maanta Tababar 2 sano ah ay U furtey Jamacada Koonfurta Soomaliya Ee Baydhabo waxaana Gacan ka geystey Hay’ada NRC.
Furitaanka Tababaraka ayaa Waxa ka soo Qeeb Galey wasiirka Wasaarada waxabarashada iyo Barbaarinta KGS Saadaad Maxamed Nuur Caliyow Iyo Macalimiinta Jaamacada iyo Bahda Waxabarashada Gobolka.
Ugu Horeyn Waxa Goobta ka Hadley Madax Kuliyada Waxabarshada Jamacada Abshir Maxamed Idiriis Waxa Uu Ka Hadley ujeedka Loo Qabtey Tawabarkan .
Sidoo Kale waxa Goobta Ka hadley Gudoomiyaha Guud Ee Jamacada Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kaay waxaa Uu Ka Hadley Muhiimada Uu u leeyhay Tababarkan Macalimiinta La siineyo 2 sano ,
Waxa Tababarka Furey Wasiirka Waxabarashada KGS Sadaad Maxamed Nuur Caliyow, Waxa uu Macalimiinta U balan Qaadey In Uu Shaaqaleysiin Doono Hadi ay Dhameystaan Tababrakan Masheer kooda La siin Doono .
Ugu dambeuntii, Tababarakan Loo Furey macalimiintan ayaa waxa ay Ku soo aadeysa Xili Magalada Baydhbao ay Ku soo Badaneyaa Iskoolada waxa Lagu Barato.