Baydhabo(INO)- Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia General Mahad C/raxmaan Adem ayaa Sheegey in Idaacada VOA-da ay Ka Guurtey Dhexdhexaadnimo, Isagoona sidoo kale u digey Wariye Muqtar Mohamed Atoosh oo ah wakiilka Koonfur Galbeed Somalia.
Taliyaha ayaa Wariye Mukhtaar Maxamed Catoosh ku eedayey in uu tabiyo warar aan sal lahayn waa sida hadalka u dhigey e isla markaana waxa uu xusay in dhoor jeer ay u sheegeen in uu joojiyo Wararka ay dhibsadeen.
Waxa sidoo kale tilmaamey in ay haayaan qaladaad fara badan oo uu sameeeyey, wuxuuna Idaacada VOA-da ugu baaqay in bedelkiisa ay keensato Koonfur Galbeed isla markaana ay qaadaan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, waa sida Uu Sheegey Taliye Generaal Mahad.
” waxaaan haynaa qaladaad fara badan oo aynu ku xiri karno, meeshan waxa ka jira sharci iyo kala dambeyn” ayuu yiri Generaal Mahad.