Koonfurta Sudan oo lagu eedeeyay hub iibsi xilli abaaro uu dalkaasi ku jiro

0
161
FILE - South Sudan's President Salva Kiir speaks to the media at a press conference in Juba, South Sudan.

Juba(INO)- Warbixin ay soo saareen guddi khubaro ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku dhaliilayxukuumadda Koonfurta Sudan in ay miisaaniyad ballaaran u qoondeysay milaterigeeda, xilli ay macluul ka taagan tahay qeybo ka mid ah dalkaasi.

Khubarada ayaa sheegay in xukuumadda Juba ay ku dhawaad kala bar miisaaniyadeeda guud ku kharash gareyso ammaanka iyo hub iibsi, ayadoo boqol kun oo qof ay gaajo qarka u saaran yihiin colaadda dalkaasi ka taagan awgeed.

Qaramada Midoobay ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in macluul ay ka dilaacday qeybo ka mid ah gobolka Unity ee ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Gobolkaasi ayaa ah halka uu kasoo jeedo hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar, waxaana dowladda lagu eedeeyay in ay dad badan halkaa ku layday.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa warbixin aan weli la shaacin ku sheegay in Golaha Ammaanka looga baahan yahay in uu cunaqabateyn dhanka hubka ah saaro dalkaasi, walow taasi ay adag tahay.