Madaxweyne Erdogan oo ka codsaday turkida ku nool Yurub in ay dhalaan ugu yaraan 5 carruur ah

0
166

Istanbul(INO)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay dadka turkida ah ee ku qool qaaradda Yurub in ay dhalaan ugu yaraan shan carruur ah oo ay iska iloobaan siyaasadda reer galbeedka ee ku aadan in wax ka badan saddex caruur ah ay dhib tahay korintooda.

Hadalkan ayaa waxa uu ka sheegay khudbad olole siyaasad oo uu ka jeedinayay magaalada Eskisehir oo ku taal waqooyiga dalkaasi Turkiga.

” – Waxaa tihiin mustaqbalka Yurub, dhala ugu yaraan shan carruur ah. Maya saddex iyo wax ka yar”, ayuu kula dar-daarmay Erdogan dadkii ku nool qaarada Yurub.

Hadalka madaxweyne Erdogan ayaa imaanaya xilli waayadan dambe uu soo xumaanayo xiriirka waddamada Yurub qaarkood iyo dowladda Turkiga, waxaana ay arrintu cirka isku sii shareertay maalmo ka hor markii dowladda Holland ay u diiday diyaarad sidday wasiirka arrimaha dibedda Turkigu in ay soo fariisato dalka Holland.

Xiriirka labadaasi waddan ayaa xilligaa kaddib noqday mid aad u xumaada taas oo sababtay in dowladda Turkigu ay dalkeeda ka musaafuriso safiirkii dalka Holland u fadhiyay magaalada Amsterdam.

Ma ahan markii ugu horreysay oo uu madaxweynuhu u diro baaq la mid ah kan iminka uu u diray dadkiisa, waxaana xilli sii horreysay uu dadlka dalkiisu ugu baaqay in ay carruur badan dhalaan, ragguna xaasaska badiyaan.