Muqdisho (INO) Dowladda Britain ayaa maaliyiin pound kaga qayb-qaadanaysa gurmadka la gaarsiinayo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee gobollada dalka,sida u sheegay wasiirka arrimaha dibadda dalkaas.
Boris Jonhson oo shalay booqasho saacado qaadatay ku soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay lacag dhan 110 million Pound inay ku bixin doonan wax ka qabashada abaarta ku dhufatay in badan oo dalka ka mid ah.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Cabdulllaahi farmaajo ayaa dhankiisa uga mahadceliyey dowladda Britain tageerrada ay ku bixiso Soomaaliya islamarkaana ku baaqay in laga dhabeeyo ballan qaadyada.
Boqollaal qof ayaa la sheegay inay macaluul la dhimanayaan,tiro inta ka badana waxaa ay abaarta ku waayeen xoolahooda,sida ay dowladda Soomaaliya horay u sheegtay.
Waddamada taageerra Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ayaa ku baaqaya wali in Sooomaaliya la taageerro si abaarta looga sama-ta bixiyo dadka ay saameeysay.