Sawiro: KGS Oo 749 Qoys Maanta Gargaar Ugu Qiibisay Degmooyinka Afgooye iyo Wanleweyne Ee G/Sh/Hoose

0
207

Baydhabo(INO)- Gudiga Gurmadka Abaaraha Maamulka koonkur galbeed Somaaliya Ayaa maanta Deeq raashinka U qeybiyeey in ka badan 749 qoys oo ku nool degmooyinka Afgooye iyo Waleweyn ayaa qoyskiiba waxaa la siiyay raashin ka kooban bariis, saliid, si ay ugu maareeyaan noloshooda.

Waxaana Gargaarka lagu Hormariyey Degmada Waleweyn Oo ay ku sugnayeen dad aad u liitay.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Afgooye iyo Wale weyn oo ka hadlay kaalmada la gaarsiiyay ayaa ugu horeyn mahadcelin u jeediyay Xubnaha ay ka kooban yihiin Gudiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Koonur Galbeed iyo Kan Qaran, sida ay u garab taaganyihiin shacabka Deegaanada Koonfur Galbeed, iyagoo xusay in kaalmada ay ku soo aaday xilli loo baahnaa.

“Alle ayaa na waafajiyay in Todobo boqol iyo Afartan iyo Sagaal qoys oo ka mid ah bulshada degan Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn  in ay helaan muwaacino ka soo gaartay Maamulka Koonfur Galbeed, waxaan u mahadcelineynaa Dowladeena oo barnaamijkan na soo gaarsiisay”. Ayay sheegeen.

Madaxa Xiriirka degmooyinka iyo tirikoobka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Cabdullaahi Xuseen Xasan (Fanax) ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid saldanadda Cuman ay ugu talagashay in la gaarsiiyo dadka tabaaleysan, isagoo xusay inay si nabad ah ku soo idlaatay qeybinta raashinka.

“Waxaa Alle Mahadiisa ah in barnaamijkii saaka noo bilowday ee ahaa, qeybinta gar gaarka  ee dowladda Koonfur Galbeed noogu deeqday, islamarkana ay  bixineyeen gobolka Sh/Hoose, in uu si nabad ah ku soo dhamaaday” Siyaasi Waxaa Warfidiyeenkau sheegay Maamuliyaasha degmooyinka .

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Ibraahim Aadn Ali Najax oo Sidoo Kale hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid Gudiga Gurmadka abaaraha ay ugu talagaleen in La gaarsiyo qoysaska, isla markaana ay sii wadayaan qeybinta raashinka.

Waxaan rabnaa, barnaamijkan waa barnaamijkii saaka noo soo bilowday, waxa uu ku soo gabo gaboobay jawi degan, saaka waxa uu ka soo bilowday Degmada Waleweyn, waxaan rajeynayaa in degmooyinka ay si nabad ah noogu dhamaaday, degmooyinka kale, sidan ayaan Uga soo qeybinay  ,maanta iyo Maalimihii aan kasoo Gudubnay,

Maddoobe Nuunow Maxamed Gudoomiyaah Gudiga Gurmadka baaraha Dowlada Koondr Galbeed iyo Wasiir Macalin Jiis Oo Dhankooda Goobta Ka Hadlay Ayaa Waxaa ay bulshada u sheegeen in Markasta sidan oo kale Gargaarka ay u soo gaarsiin Doonan,

Kuma fiirsanayno bulshadeena ayadoo dhibaataysan waxaana garab istaagaynaa dadka macaluusha ku haysataDeegaanada Koonfur galbeed Sidaasi waxaa Warbaahinta Ka Hor Yiri Masuuliyiin Ka Soctay Maamulka Koonfur Galbeed

W/Q: Wariye Maxamed Aden Socdaal
Idale News Online, Afgooye