Taliyaha CXD “Tiro yar oo ciidan ah ayaa ka dambeeyay gadoodka, tallaabo ayaa laga qaadayaa”

0
194

Muqdiso(INO)- — Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Aadan Axmed (Buud) ayaa ka hadlay gadoodkii todobaadkan ay sameeyeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka, isagoo ku eedeeyay tiro ka mid ah ciidanka inay ka dambeeyeen gadoodka iyo qal qal gelinta ammaanka.

Taliyaha oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in gadoodka ay sameeyeen tiro yar oo ka mid ah ciidamada, isagoo ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan, sharcigana la hor-keenayo.

“Waxaa ognahay ciidamada joogay xeradaas iyo sababta ay u joogeen, kuwii falkaas ku kacay ee tirada yaraa sharciga la horkeenayaa, waxaa uga digayaa ciidamada la qalday ee waxba ka ogeyn falkaas inay ka digtoonaadaan”ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Jen. Buud ayaa sheegay in qaladkan aysan geysan dhamaan ciidamada, balse ay ahaayeen koox tiro yar, waxaana uu ugu baaqay ciidamada in aysan shacabka dhibaato u geysan, isla markaana aysan ciidamada u soo jiidin karaamo darro.

Taliyaha ayaa soo hadal qaadin cabashada ciidamada ee la xiriira mushaar la’aanta mudada heysata, sidoo kale kama jawaabin eedeynta loo soo jeediyay ee ku aadan in mushaaraadkooda uu u wareejiyay deegaanada Puntland.

Qaar ka mid ah ciidamada gadoodka sameeyay ayaa ku eedeeyay Taliyaha Xoogga inuu ka dambeeyay in mushaarkooda loo wareejiyo deegaanada Puntland, halkaasoo magacyadooda ay rag kale ku qaataan mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Fadeexadan cusub ee ku soo baxday Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegayaa inay soo dedejin karto is bedel lagu sameeyo hoggaanka ciidamada, xilli ay isa soo tarayaan cabashada ciidamada ee la xiriirta in aanay helin xuquuqdooda.