SAWIRO: Gabar ka Ilmeesiisay Soomaalida oo dhan markii ay waajidba ilaa Muqdisho la soo lugeysay walaalkeed

0
233

Muqdisho(INO)- Maymuun Nuur Axmed oo ah gabar Somaliyeed oo 9 jir ah, ayaa waxay soo jiidatay indhaha bulshada Somaliyeed, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in wiil la dhashay ay kala soo lugeysay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Maymuun Nuur Axmed oo dhabarka ku sida walaalkeed, ayaa waxay soo gaareen xero barakacayaasha looga dhisay duleedka Magaalada Muqdisho. Bilowgii safarkan waxaa Maymuun iyo walaalkeed ku wehlinaayay hooyadood iyo ayeeyada hooyadood.

Hooyada dhashay carruurtan, ayaa macluul ugu geeriyootay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose. Qoyskan oo beeraley iyo xoolo dhaqataba ahaa, ayaa isaga soo cararay Degmadaasi Waajid, ka dib markii ay saamayn ku yeelatay abaarta daran ee dalka ka jirta.

Wixii xoolo ahaa ee ay haysteen, ayaa ku la’day abaarta, mana jirto wax dalagyo ah oo ay beerteen, sababo ku aadan roob la’aan jirta awgeed.

Carruurtan, ayaa hadda duleedka Magaalada Muqdisho kula nool ayeeydood oo lagu magacaabo Nuurta Cali Axmed, waxayna codsanaysaa in dadka Somaliyeed ay gacan u soo fidiyan.

Ayeeyo Nuurta Cali, ayaa sheegtay in lagala soo xiriiro karo teleefanka gacanta ee nambarkiisu yahay 061 508 9446.

Abaaraha baahsan ee dalka ka jira oo ay muuqato in macluuli ay isu bedeshay, ayay dadka ugu dhimanayan deegaanada fog fog ee miyiga, iyadoo dadkuna ay bilaabeen in ay u soo cararan magaalooyinka dalka.