Beesha Cawrmale Oo Shabaab Hub Ku Wareejisay

0
288

Jilib(INO)- Ururka Al Shabaab ee Somaliya dagaalka ka wada ayaa lagu wareejiyay hub cusub, kadib markii munaasabad ka dhacday Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, loogu wareejiyay hubkaan Shabaab.

Hubkaan ayaa waxaa iska soo uruuriyay Odayaasha Beesha Cawrmale ee dega Gobolada Jubbooyinka, waxayna ku taageereen dagaalka Shabaab ay ka wadaan Somaliya, iyadoo horay Shabaab ay uga dalbadeen Beeshan inay hub ku taageerto.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah Gudoomiyaha Shabaab ee Jubbooyinka ayaa Warbaahinta u sheegay inuu aad uga mahadcelinaayo hubkaan lagu wareejiyay.

Wuxuu sheegay hubkaan inuu qayb ka yahay hubka lagula dagaalami doono ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan, isaga oo intaasi ku daray in beelaha kale ee Somaliyed laga doonaayo sidan oo kale inay hub ugu taageeraan Shabaab.

Tirada hubka ayaa la sheegay inay kor u dhaafeyso 50 Qori oo Ak47 ah oo gacanta loo geliyay Shabaab, ayna kula wareegeen madashii munaasabada ay ka dhacday.

Beelaha degan Gobolada Shabaabka ay sida buuxa gacanta ugu hayaan ayaa ku qasban bixinta taageero kasta oo ay weydiistaan Shabaab, maadaama Beerahooda iyo ganacsigooda ay u baqayaan in Shabaab ay kala wareegaan.

Horay sidan oo kale Shabaab waxa ay hub qasab ah uga qaadeen Beelo dega Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe.