Save The Children oo Walaac ka muujisay dhibaatada Cudurka Shuban Biyoodka Ee Somalia

0
200

London ( INO)-Hay’adda Save the Children ayaa walaac xoogan ka muujisay  faafida cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Hay’addan ayaa ka digtay in Cudurkaasi uu faafo, waxaana ay ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo baahan yahay in wax looga qabto cudurkaasi.

Agaasimaha Hay’adda Seve the Children ee Dalka Soomaaliya, Xasan Saadi Nuur ayaa waxuu sheegay in cudurkan 200 ay u dhinteen tan iyo bishii January

Sikastaba, Hay’adda ayaa koox caafimaad u dirtay Degaano iyo Degmooyin dhaca Gobolada Koonfur Galbeed Somalia, si ay ula tacaalaan caruurta uu soo ritay cudurka Shuban Biyoodka.