Booliska Kenya oo xir xir xiray Dad ay la xiriirinayaan Al Shabaab

0
185

Nairobi ( INO)-Booliska Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan 6 Ruux oo lagu tuhmay in ay ka mid ah yihiin Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Howlgallada lagu xiray Raggan ayaa waxuu ka dhacay Magaalo Xeebada Milindi ee Dalka Kenya, kadib markii Ciidamada Booliska ay weerareen dhismo ay daganaayeen dhalinyaradan.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Milindi, Muchangi Matawa ayaa waxuu sheegay in Raggan la xiray ay wateen ilaa iyo 7 moobilada gacanta oo laga tuuray lacago badan oo keentay shakiga la xiriira Al Shabaab.

Waxuu sidoo kale tilmaamay in haatan ay ku socdaan baaritaan ku aadan hadii ay dhaqaalo ku taageereen Xoogaga Xarakada Al Shabaab oo Dagaal kula jira Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe Ciidamada Kenya ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab, waxaana Boqolaal Askari ay u soo daabuleen Degaanda Xadka dhaca Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.