DEG DEG: Qarax gaari lagu xiray oo ku dhaawacmay Shaqaale ka tirsan Telefishinka Universal

0
178

Muqdisho(INO)— Gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa ayaa saaka ku qarxay degmada Xamar weyne, gaar ahaan meel ku dhow shineemo super, iyadoo qaraxa uu dhaawac culus gaarsiiyay wiil dhalinyaro ah oo gaariga watay, kaasoo loola cararay Isbitaalka.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in gaariga oo wadada marayay uu qarxay, waxaa dhaawac ka soo gaaray gabar wadada mareysay.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qofka watay uu ka mid ahaa shaqaalaha Telefihisnka Universal xafiiskiisa magaalada Muqdisho, waxaa magaciisa lagu sheegay Xamiid Karzaay oo ahaa Farsamayaaqaanada Telefishinka.

Qaraxyada gaadiidka lagu xiro ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana ay noqdeen kuwo ugu fudud ee loo adeegsado falalka khaarijinta.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa qaraxyo gaadiidka lagu xiro waxaa lagu dilayay dad kala duwan oo isugu jira Ganacsato iyo Macalin Iskuul.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe