DFS oo dhamaadka sanadkan soo daabaceysa lacag cusub

0
201

Muqdisho(INO)— Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhamaadka sanadkan ay soo daabaceyso lacag cusub oo naqshad cusub leh, iyadoo daabacaada lacagtan ay noqoneyso tii ugu horeysay tan iyo markii ay bur burtay dowladdii Dhexe.

Daabacaada lacagtan cusub ayaa waxaa ku bixi doono 60 milyan oo dollar, waxaana dowladda Soomaaliya gacan ku siin doonta Hey’adda IMF.

Sanadihii u dambeeyay lacagaha shiling Soomaaliga ayaa hoos u dhac ku imaanayay, waxaana lacagaha dollarka uu ahaa midka kaliya ee la isticmaalo, kaasoo sababay sicir barar.

Sii hayaha xilka Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sheegay in lacagta cusub ee la soo daabici doono ay la mid noqon doonto lacagaha kale ee caalamiga

“Lacagta cusub waxay u la mid noqon doonaa kuwa caalamka intiisa kale laga isticmaalo oo aan la been abuuri karin. Waxay yeelandoonaa waxyaabaha amni ah”ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.

Waxaa uu sheegay in naqshada lacagahan uu ka duwanaan doono mida hada ku jirto suuqa ee la isticmaalo, taasoo inteeda badan ah mid been abuur ah.

“Waxaa jiri doono xarumo gaar ah oo loogu tala galay in dadka loogu bedelo lacagtooda, si ay u helaan midda cusub”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda.

Lacagta cusub ee la soo daabici doono ayaa la filayaa inay gacan ka geysato sidii loo xakameyn lahaa sicir bararka, isla markaana looga bixi lahaa, lacagta Kunka shiling oo ah kan ugu yar iyo midka ugu weyn ee la isticmaalo