Dalhi(INO)- Hooyo India u dhalatay oo iyadoo jirta 72 sano ku dhashay ilmaheedii ugu horeeyay ayaa lasoo deristay xaalad caafimaad daro, kadib markii uu haleelay cudurka “Dhiig karka”, waxayna sheegtay in aysan ka qoomameyn doonin ilmaha ay da’da 72 sano jirka ku dhashay.
Daljinder Kaur, oo hadda 73 jir ah ayaa ilmaheedii ugu horeeyay ay dhashay 19-kii bishuu April ee sanadkii hore, wiilkeedana uu hadda 8 bil jir uu yahay, kaasoo gurguurad ku gyro.Armaan oo ah wiilka waayeelnimada lagu dhalay ayaa naaska hooyadiis ay ka joojisay sababo la xiriira caafimaadka hooyada oo awoodi weyday inay wiilkeeda ku quudiso nafaqada naasaheeda ka yimaada.
“Waxaan ka welwelsanahay Armaan, anigoo u baqay caafimaadkeyga, laakiin wuu iga heli doonaa intaan noolahay daryeelka hooyonimo.Odaygeeda Mohinder Singh Gill, oo 80 jir ah, ayaa isna aqbalay go’aanka ka yimid dhaqaatiirta ee daweynta islaantiisa iyo in naaska laga joojiyo wiilka ay waayeelnimada ku dhaleen.
Xafiiska Idale News Online
Baydhabo, Soomaaliya
IdaleNewsoOnline@gmail.com