Baydhabo(INO)- Shirka Khamiis laha ah Ee Gollaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Oo Maanata Shir Gaduumineyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adan Ayaa Looga hadley Arimo Dhoor ah Oo ay Ka Mid Yihiin Sidii Deeganada Ay Abaaraha ka jira loo Gaarsiin Laha Gargaar bini’aadanimo iyo Biyo dhaamin.
Waxaa Sidoo Kale Looga Hadley Shirka Sidii Loo Furi lahaa Wadooyinka ay Godoomiyeen Maleeshiyada Al Shabab. Waxana Markii Kulunka Soo idlaadey Warbaahinta La Hadley Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Koonfur Galbeed Somalia Maxamed Xasan Fiqi.