Sawiro: Shir looga Hadlayay Qaab Dhismeedka Manhajka Waxbarashada Qaranka Somalia Oo Baydhabo Ka Furmay -VIDEO

0
238

Baydhabo(INO)-Shir dib loogu doodayey  qaab Dhismaha manhajka waxbarashada qaranka Somlia ayaa Maanta ka furmay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay kaas Oo ka soo qayb galeen aqoonyahanada Koonfur Galbeed Somalia ayaa lagu qabtay Jaamacada Koonfurta Somalia.

Halkan Ka Daawo Shir Jaraa’id Oo Qabtey Wasiir Sadaad Maxamed Nuur Caliyow

Shirkan oo loogu magac daray “Qaab Dhismeedka Manhajka Qaranka Soomaaliyeed” waxaa soo abaabushay wasaarada waxbarashada iyo Barbaarinta Koonfur Galbeed Soomaalya, iyadoo taageero ka helaysay Wasaarada Waxbarashada Ee DFS.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay aqoonyahano badan oo ka mid yahay Wasiirkii hore wasaarada Arimaha Dibada Somalia C/laahi Xaaji Xasanow Manuur, Khuburo Dhanka Manhajka Ee DFS iyo Maamuliyaal ka socday goobaha kala duwan ee waxbarashada, sida Jaamacadaha KGS iyo goobaha waxbarasho ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashadaiyo Barbaarinta Koonfur Galbeed Somalia Saadaad Maxamed Nuur Caliyow oo kullan ka Hadley ayaa sheegey in ka qiib galiyaasha Shirkan looga baahan inay ka doodaan Qaab dhismeedka Manhajka Qaraanka Soomaaliyeed.

 “Maanta waxaynu isugu nimi shir aad iyo aad u muhiim u ah. Muhiimada shirkani leeyahay waxa uu yahay inaga oo eegayna mustaqbalka iyo aayaha ubadkeena, waxbarashaduna waa mustaqbalka umada, waxaynu is waydiinaynaa manhajka u yaala qaranka ee ubadkeenu bartaan miyuu yahay kii saxda ahaa ee ku haboonaa qaraniga, waxaynu u baahanay in aynu is waydiino habka aynu wax u barnaa ma yahay habkii saxda ahaa?” ayuu yiri Wasiir Sadaad Maxamed Nuur Caliyow.

Wasiirkii hore wasaarada Arimaha Dibada Somalia C/laahi Xaaji Xasanow Manuur oo ka mid ah aqoonyahanada Somalia isla markaana haatan ah Madaxa Hay’ada CRD Ee Koonfur Galbeed Somalia  oo shirkaas ka hadlay ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey muhiimada ay umada u leedahay hagaajinta manhajka ay umadi leedahay, kaas oo uu ku sheegay inay ku xiran tahay horumarka aadamuhu maanta gaarey.

” Waxaan doonaya qododada aad ka doodeysanaay inay ka mid noqoto in Luuqda Maay-ga Lagu Soo daro manhajka Somalia, si dad kale ee aan garaneynin ay u bartaan Maadama Goboladan dadka ku nool ay adeegsadaan “Maxaa”, sidaas darteeda waxan idin ka rabaan in aan ka tashataan in Luuqadiina Maay-ga ah Sanadkan Lagu daro Manhajka Qaranka Soomaaliyeed ee la baro Caruurta Dalka” ayuu yiri C/laahi Xaaji Xasanow Manuur.

Prof. Maxamed Cali Kalay, Gudoomiyaha Jaamacada Koonfurta Somalia isna shirkaas ka hadlay, ayaa  si qoto dheer uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo mareen manaahijdtu, waxaanu dul istaagay galdaloolooyinka tan iyo markii la sameeyey dul hoganaayo, isaga oo sheegay in xiligana uu yahay xiligii loo baahnaa in wax laga badalo an wanaagiisa iyo dhalilihiisaba oo ay waayo arag u soo noqdeen.

Halkan Ka Daawo Sawiro