DEG DEG: Wariyeyaasha oo looga yeeray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

0
208

Muqdisho(INO)— Wariyeyaasha ayaa goor dhow looga yeeray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha loogu yeeray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu shir jaraa’id qabto, waxaana saacadihii la soo dhaafay ay dad badan dhowrayeen magacaabista Golaha Wasiirada.

Xiriiro IdaleNews.com ay la sameysay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayay ku ogaatay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu ka hadli doono arrimaha abaaraha, isagoo kulan la leeyahay Ganacsatada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tan iyo markii la magacaabay waxaa uu muhiimadiisa ugu weyn siiyay arrimaha abaaraha, sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaraha saameeyeen.

Mr Kheyre ayaa wajahaya caqabado kala duwan oo ay ugu weyn tahay qaabka Xukuumaddiisa ula tacaali doonto xaaladaha bani’aadanimo ee dalka ka jira, iyadoo horay uu uga soo shaqeeyay arrimaha bani’aadanimada.

Dhinaca kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in wali socoto wada tashiyadii Ra’iisul Wasaaraha waday ee ku aadan howlaha magacaabista Golaha Wasiirada, waxaana la filayaa in todobaadka soo socda lagu dhawaaqo.