Sawiro: 4 Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Degmada Xudur

0
224

Xudur(INO)- 24 sac Ee la soo dhaafey Magaalada Xuddur waxa Shuban biyood ugu geeriyooday 4 ruux oo 2 ka mid ah ay yihiin Caruur 2 kalena ay Haween yihiin.

Ku dhowaad 20 uu soo ritayna ay la jiifaan Cudurkani, Xaruun loogu talagalay dadka Xanuunadaan qaba in la seexiyo ayaa laga diyaariyay meel banaanka ah magaalada Xuddur, waxana lafilan karaa in tirada uu sooridanayo intaa kabadato.

Waxa sidoo kale Xanuunkan gaaray oo dadna ugu dhinteen Degmada Ceelberde Ee Gobolka Bakool.

Horaantii bishii 2 aad ee lasoo dhaafay inkabadan 150 ruux ayaa shuban biyoodkan ugu geeriyooday degaanka Buurdhuxunle oo katirsan Gobolka Bakool.

Maxamed Xasan C/raxmaan
Idale News Online, XUDUR