Bosaso(INO)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa xukunno kala duwan ku riday rag muddo ku xirnaaa xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso, kuwaasi oo ku eedeysnaa inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab iyo labo askari oo dil toogasho ah lagu kumay.
C/iftaax Xaaji Aadan oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa sheegay in raggan oo tiradooda gaarayso sideed oo laba ka mid ah lagu soo eedeeyay dil ka dhacay degmada Qandala ee gobolka Bari maxkamadda la horkeenay si caddaalada loo marsiiyo, kuwaasi oo xukunnada soo socda lagu kala xukumay.
1:-Cabdiwaaxid Macallin Axmed oo 22- sano jir ah waxaa lagu xukumay 10 oo xarig ah.
2:-Maxamed Cali Xuseen oo 22 sano jir ah ,waxaa lagu xukumay 10 –sano oo xarig ah.
3:-Yaasiin Maxamed Cabdi oo 39-sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano
4:-Cabdulahi Maxamed Barre oo 19-sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah.
5:-Ibraahim Yusuf Muxiyadiin oo 17-sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah.
6:-Maxamed Cabdiqani Xasan oo 33 –sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah.Maxkamadda ayaa waxy kale dil toogasho ah ku xukuntay Mubaarak Mire Muumin iyo Faysal Ibraahim Cali, waxaana labadan qof oo ahaa askar ka tirsan ciidanka Puntland ay ku eedeysnaayeen dilka qof shacab ah.