Sawiro: Cudurka Shuban Biyood Oo Si Xawli ah Ugu Fidayo Degaano Ka Badan Ka Tirsan Gobolka Bakool

0
190

Xudur(INO)- Halkaan waa degaanka Wanaay oo 8km u jira magaalada Xuddur, ilaa 6 ruux oo dadka Degaankaasi ah ayaa soo ritay Xanuunka Shuban biyoodka.

Mar aan booqday degaanka Wanaay ayaa waxa halkaasi ka socday Gargaar Caafimaad oo loo samaynayay dadka Xanuunkaasi uu soo ritay.

Hay’adaha Caafimaad ee ka howgala Degaanada Xuddur ayaa durba halkaasi gaaray qaar waxay latacaalayeen dadka xanuunsanayay halka qaarna ay samaynayeen Baraarujiin Caafimaad, waxana qeyb ka ahaa Maamulka Degmada Xuddur, Hay’adaha Samafal ee gaaray Tuulada Wanaay waxa kid ah GRRN, GAREDO, ACF iyo NGO-GA MARDO.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Maxamed Xasan C/raxmaan, Idale News Online, Xudur