Sawiro: Shariif Xasan oo la kulmay Korneyl Koofi

0
220

 

Baydhabo(INO)- Maxamed Aadan Jimcaale, ayaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed weydiistay in Laanta Socdaalka uu kala shaqeeyo, si ay si buuxdo uga hawlgasho Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed uu ka arrimiyo.

Sidoo kale Korneyl Koofi, ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ugu yeeray in labada dhinac ka wada shaqeeyan, sidii xarun rasmi ah ay Laanta Socdaalka uga furan laheyd Magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo amuurtaasi soo dhaweeyay, ayaa wuxuu ballanqaaday in ay ka shaqayn doonaan, sidii Laanta Socdaalka ay xarun ay xarun ugu yeelan laheyd Deegaanada Koonfur Galbeed.

Laanta Socdaalka, ayaa billihii la soo dhaafay waxaa ay xarumo ka samaysatay Magaalooyinka Cadaado iyo Garoowe.