Marko(INO)-Gudoomiyihii hore ee Magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisow, ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in lagu xiray Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabellaha hoose.
Maxamed Cismaan Yariisow, ayaa xarigiisa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday dhaqaale loogu talo galay in gar gaar lagu gaarsiiyo bulshada ku nool Magaalada Marka iyo deeganada hoostagga.
Wararka waxa ay sheegayaan in Maxamed Cismaan Yariisow looga yeeray Saldhiga ciidamada AMISOM isaga iyo wasiirka Gargaarka iyo Naafadda Maamulka Koonfur Galbeed, kadibna Yariisow xabsiga la dhigay.
Ka hor inta aanan la xirin Yariisow ayaa la weydiiyay halka ay martay lacagta loogu talo galay gurmadka abaaraha ee loo soo dhiibay, maadaama shacabkii loogu talo galay in lagu caawiyo aysan weli wax helin, waxaana halkaasi ku cadaatay in lacagta lala lunsaday.
Wasiirka Gargaarka iyo Naafadda Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Muuse oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay lacagtaasi inuu lunsaday Gudoomiyihii hore ee Marka.
“Arintaasi eedeynta ah ee aniga la ii jeediyay waa been cid kale oo lug ku lahan malahan Gudoomiyihii hore Yariisow bes ayaa lug ku leh, Degmo kasta sideed kun iyo saddex boqol ayaa loogu talo galay, Marka lacagtaas ayaa la gaarsiiyay ceeljaale ayaa wax yar lagu bixiyay, inta kale Marka gudaheeda ayaa lagu bixinayaa ayaa la dhahay, Yariisow ayaa Gudoomiye ahaan meesha ugu cad cadaa, wuxuu dhahay raashin ayaan soo diyaariyay qarashka raashinkaasi hala iidhiibo anigaa soo gadaayo ayuu dhahay sidaasi ayaa lacagta loogu dhiibay wuuna lunsaday, anagana si deg deg ah ayaan gacanta ugu soo dhignay.” Ayuu yiri Wasiirka Gargaarka ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Gudoomiyihii hore ee Magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisow, ayaa iminka ku xiran Saldhiga ciidamada Amisom ee ku yaal duleedka Magaalada Marka sida masuuliyiinta ay sheegeen.