Sawiro Naxdin iyo Argagax Leh: 69 Qof Oo Shuban Biyood Ugu Dhimatay Aw-diinle

0
344

Awdiinle(INO)- illaa lixdan iyo sagaal(69)  qof ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay degmada Aw-diinle oo ka tirsan gobolka Bay, waxaa kaloo la sheegayaa ilaa kontan(50) qof oo kale Isbitaallada la dhigay.

Guddoomiyaha degmada Aw-diinle Cabdulahi Maxamed Cumar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadkaasi lix(6) ka mid ah ay shalay dhinteen.

Mr. Cabdilahi waxaa uu hey’adaha gargaarka, guddiyada abaaraha iyo dhammaan shacabka ugu baaqay in gargaar lala soo gaaro dadka dhibaateysan.

Abaaro ba’an ayaa ka jira gobolka, dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta gargaarka dadka, illaa soddon iyo labo(32) Mliyan oo dollar ayey dowladda sheegtay in ay ka soo gaartay beesha caalamka, taas oo qeybinteeda ay socoto.

Halkan Ka Daawo Sawiro