UPDATE+Dhageyso: 63 Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ku Diley Degaanka Awdiinle Ee Gobolka Bay

0
195

Awdiinle(INO)- Degaanka Awdiinle Ee Gobolka Bay ayaa waxa ka jirta Macaluul aad U daran oo ay keentey Abaarta iyo Cudurka shuban Biyoodka Oo dad Tiradooda ay Gaareyso 63 Ay ugu Dhinteen isla markaa 50  Kale ilaa Iyo hada ay kula ildaran yihin.

Gudoomiyah Deegnaka Awadiinle Cabdulahi Maxamed Cumar ayaa waxa ka Qeyla dhaamiyey Xaalada Cudurka Shuban Biyoodka Ee ka Jira Deegnaka Awdiinle Ee  Gobolka Bay .

Gudoomiyah ayaa waxa uu Baaq u direy  Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dowlada Dhex Iyo hay’adah in gurmud deg deg ah ay la soo gaaran dad badan ku raafsan Gudaha Degaanka.

Ugu dambeyntii, Deeganka Awdiinle Ma lahan Isbitaalka waxa  kaliye  waxa ku yaalo Pharmacy-yo Oo aan laga Heleynin Daawooyin  tayo leh oo ku filin waxana Dadka Shubun Biyoodka Soo Ridaneya ay yhiin Kuwa Malinba Maalinta Ka dembeysa sii kordhayaan.

Halkan Ka Dhageyso

Wariye Feysal Dhaayow Xuseen