Daawo: Wasiir Ka Tirsan KGS Oo Ku Baaqay In Tilaabo Adag laga Qaado Hay’adaha Ka Shaqeeya Gobolka Bakool

0
185
Xudur(INO)- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Bada ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu baaqay DFS iyo tan KGS in Hay’adaha Smafalka oo ka shaqeeya Gobolka Bakool ay talaabo ka qaadaan wuxuna ku eedeeyey in ay dadka Abaarta halakisay ku cayaarayaan oo maalin walba ay leeyihiin waxbaa la qorayaa qiimayn baa la samaynayaa umadiina ay baaba’ayso.
Hadalkaan wasiirka wuxu ku soo beegmayaa xilli Hay’adaha kala ah ICRC ACF iyo WFP ay wadaan qiimayn iyo kaarar ay siinayaan kumanaan barakac oo ku sugan Gudaha magaalada Xuddur.
Halkan Ka Daawo VIDEO