Marko(INO)- Wefdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Gudiga Gurmadka abaaraha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Ayaa maanta gaarey Degmada Marka Ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Wefdigan ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose wasiiro dhamaantooda ka wada tirsan Gudiga gurmadka abaaraha dowlada Koonfur Galbeed Waxeyna ka qeybin doonan GargaarkiI ugu horeeyey Ee loogu Telo galay Dadka ay Abaaruhu ku sameyeen Ee ku sugan Degmooyinka gobolka shabeelada Hoose halkaasi oo mudooyinki ug dambeeyey dadka ku nool ay ka cabanayeen xaalad noolal xuno oo aad u liidata.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Adan Cali (Najax) ayaa ugu Horeenti ka warbixiyey Safarkooda.
Madoobe Nuunow Maxamed Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha ahna wasiirka wasaarada Xanaanad Xoolaha Maamulka Koonfur galbeed ayaa Goobta ka Sheegey Marxaalada ku Qasabtey inay imaadaan Gobolka Shabeelada Hoose.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Maxamed Aaden Socdaal
Idale News Online, Marko