Daawo: Xildhibaanad Samra Ibrahim Oo Deeq Lacageed iyo Daawooyin Gaarsisay Degmada Go’doonsan Ee Qansaxdheere

0
224

Qansaxdheere (INO)- Wafdigan Gaarey Degmada Qansaxdhere Ee Gobolka Bay ay hogaamineysey Xildhibanad Samra Ibrahim cumar Ayaa ujeedka ugu muhiimsan ee ay halkaasi ugaartey waxa uu ahaa Ukuur gelida xaaalada Bani’aadanimo ee ka jirta Degmada Go’doonsan Ee Udub Dhexadka u ah Degmooyinka Saameynta Ba’an  ay ku yeesheen abaaraha ka jira Koonfur Galbed Somalia.

Xildhibanada ayaa marka ay gaartey Degmada Qansaxdhere oo ka go’doonsan Dhinaca wadooyinka  Dhif iyo Naadirna ay tahay helida Diyaradaha ay isticmaalaan Unka Mudo ka badan 7 sano aysan ka degin diyaarad shacab ayaa xildhibaanada waxa ay boqasho ay ku tagtey Garoonka diyaaradaha degmadasi oo aan la isticmalin  in mudo Goobaha Caafimaadka iyo Ceel biyoodka keliya ee xiligan u dhaxeya  eegaanada hoos yimaada Qansaxdhere sida;  Buulo-Fuur, korombood,Baladul amin Iyo duuurey iyadoo halkaasi kula kulantey shacab masaafo 5saac usoo gooyey helida biyo.

Xildhibaanada ayaa intaasi ka dib waxa ay maamulka degmada qansaxdheere ay ku wareejisey Daawo lacag cadadeeda ay aheyd  $15.000  isla markaana  $8300 oo  kamid ahna loogu talo galey 367 qoys oo ay usoo wakiisheen gudiga abaaraha Koonfur Galbed Somalia iyo Raashiin isugu jirey bur. bariis, sokor iyo saliid loo qeybiyey 50 qoys oo ah qoysaskaka naafada ah ee ku nool degmadasi waxana deeqdaasi ka gudoomey gudoomiyaha degmada qansaxdhere ee Gobolka Bay Isaq Cabdi Maxamed.

Xildhibanad Samra Ibrahim cumar oo dhankeeda ka hadashey halkaasi ayaa baaq u dirty dowlada dhexe iyo hay’adaha gargaarka iney soo eegaan xaalada Qansaxdheere oo ka Go’doosan oo ka go’doonsan wadooyinka   waxayna u mahad celisey maamulka Koonfur Galbed  Somalia.

Ugu dambeyntii, Maalmihii lasoo dhaafey waxaa deegaanka Xabaal Barbaare oo hoos yimaada qansaxdheere  Cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootey 21 ruux halka gudaha Qansaxdheere ay ku geeriyoodeen 6 ruux oo 5 ka mid ah ay ahaayeen dad waaweyn, Waana markii ugu horeysey ee xildhiban ka socda dowlada federalka uu booqdo Qansaxdheere tan iyo intii lasoo unkey Baarlamanka Cusub.

Halkan Ka Daawo Sawiro+VIDEO


Wariye Maxamed C/Casiis Salaad

Idale News Online, Baydhabo