Waajid(INO)- Degmada waajid Ee Gobolka Bakool Ayaa Xiligaani Waxaa Ka Taagan Dhibaatooyin Kala Duwan Oo Dhanka Noolasha Ah Iyadoo Degmada Waajid Ay U Go’doonsan tahay Kooxda Maleeshiyadka Al Shabaab Mudo Ku Dhow shan Sano.
Shacabkii Ku Noolaa Degaanada Ay Hoos Tagaan Degmada waajid Ayaa Intooda Badan ayaa Ay U Soo Barakaceen Degmadaasi Waajid Kadib Markii Ay Beerahoodi iyo Ceelalkii Warooyinkii Laga Dhaansan Jirey Biyihii Ay Noqdeen Kuwa Wax Laga Waaya Iyadoo Ay U Sii Dheertahay Cudurka Kalooraha Oo Degaanadaasi Ka jira.
Gudoomiyaha Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Cabdulaahi Yariisow Ayaa Waxaa Uu Ka hadley Dhibaatooyinka Xiligaani Kataagan Degmada waajid Iyo Deganadeeda waxaana Uu Sheegey In shacabka Ku Nool Degmada Waajid Ay u Baahan Yihiin Gar Gaar Deg Deg ah In Lala Soo Gaaro.
Sidoo Kale Gudoomiyaha Ayaa waxaa Uu Sheegey In Dhibaatada Ugu Adag Ay Kajirto Degaanka Buurdhuxunle Oo Qiyaasti Degmada waajid Ay U Jirto 30 Km Halkaasi Oo Ay Ku Dhinteen Ku dhawaad 110 Qof Oo Ay U Dhinteen Cudurka Shuban Biyoodka Iyadoo Degaankaasi Gacanta Ay Ku Hayaan Kooxaha Nabad diidka Al Shabaab,
Ugu Dambeentii Gudoomiyaha Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Maamulka Kg Cabdulaahi Yariisow Ayaa Waxaa Uu Baaq Udirey Dowlada FS iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed In Ay Gar Gaar Ay Lasoo Garaan Dadka Ku Dhibaateysan Degmada waajid Ee Deganadeeda.