Dhageyso: Dr. Gaas Oo Ka Hadlay Xiisada ka Taagan Puntland

0
196

Garowe(INO)- Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xiisadaha maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa Magaalooyinka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiisadahaasi ay ka dambeeyaan kooxo danley ah oo doonaya in ay dhibaateeyaan shacabka kunool degaanada maamulka Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sidoo kale tilmaamay in lala xisaabti doono dadka dhibtaada ka wada degaanada maamulka Puntland.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ay Mooshin ay ka keeni doonaan Madaxweyne Gaas ka dib markii dayacay shaqada Puntland.

Sidoo kale Ciidamo ka gadoodsan ayaa maalmo ka hor qabsaday qeybo ka mid ah Magaalada Garoowe.

Magaalada Boosaaso waxaa sidoo kale ka taagan xiisad u dhexeysa shacabka iyo sidoo kale ciidanka Puntland oo ku aadan Xarig loo geystay Nabaddoon Cabdiqaadir Axmed Xarrago.