Afar ruux oo sirdoon ah oo loo baadi-goobayo dilkii Kim Jong-nam

0
200

Soul(INO)- Hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa rumaysan in ay basaasiin yihiin afar ruux oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin dilkii Kim Jong-nam.

Hogaamiyha Kuuriyada Waqooyi walaalkii oo ka wayn ayaa lagu sumeeyay garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur, sida ay sheegeen booliiska Malayshiya.

Todobada ruux ee ay Malayshiya sheegtay in ay ka shakisan tahay afar ka mid ah waxay ka shaqeeyaan wasaaraada aminiga ee Kuuriyada Waqooyi, sida ay saraakiil ka tirsan sirdoonka Kuuriyada Koonfureed u sheegeen xildhibaanada.

Ma cadda cidda loola jeedo dadka ay Malayshiyo raadinayso ee la sheegay.

Kim ayaa dhintay labo todobaad ka hor ka dib markii ay labo dumar ah ku sumeeyeen garoonka diyaaradaha.
Waxay sheegeen in ay u qaateen in ay ka qaybqaadanayeen barnaamij shactiro ah oo telefishin.