US: Fadeexad ka dhacday munaasabadda billad-qeybinta filimada Oscar-ka iyo nin madow ah oo billaddiisii la siiyay nin caddaan

0
194

Washington(INO)- Munaasabadda abaalmarinta aflaamta ee loo yaqaan Oscar oo xalay ka dhacday dalkaasi Mareykanka ayaa kusoo dhamaatay fadeexad kaddib markii nin madow ah abaalmarintiisii la xaqiray islamarkaana lagu badalay film nin kale oo caddaan ahi sameeyay.

Film sameeyaha madowga ah ee allifay filmka «Moonlight» ee lagu magacaabo Barry Jenkins ayaa waxaa si khaldan biladdiisii loo guddon siiyay film sameeye caddaan ah kaas oo lagu magacaabo Jordan Horovitz, waxna la allifay filmka La la land.

Jordan Horovitz ayaa islamarkiiba khaladka gadaal ka saxay xilli jilayaashiisii ay farxad la dabaaldagayeen oo ay jeedinayeen khudbadda mahadnaqqa biladda.

Waxa uu sheegay mar uu mikroofanka la wareegay in uu aad uga xun yahay arrintan balse uu dhacay khalad, ninka saxda ah ee ku guuleystay biladda uu yahay Barry Jenkins oo sameeyay filmka Moonlight.

Dadweynihii madasha ayaa halmar wada istaagay oo sacab isla dhex-qaaday, waxaana ay soo dhaweeyeen sida khaladka loo saxay iyo ninka saxda ah ee biladda ku guuleystay.

Warren Beatty (79-jir) oo ah ninka warqadda khaldan akhriyay kuna siiyay abaalmarinta ninka madowga ah uu xaqqa u lahaa ninka cad ee allifay filmka loo yaqaan «La La Land» ayaa sheegay in guddigu usoo dhiibeen warqad khaldan, islamarkaana isaga khaladkiisa aheyd.