Dhageyso: Ganacsato ku Hanti Beelay Dabkii Ka Kacay Suuqa Bakaaraha

0
187

Muqdisho(INO)- Wararkii ugu danbeeyay ee xiligan naga soo gaaraya suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa sheegaya in lagu guuleystay gabi ahaanba in la soo afjaro dab xoogan oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay suuqa, islamarkaana soo gaaray ilaa subaxnimadii hore ee saakay.

Dabkan oo geystay khasaare hantiyeed oo aad u ballaaran ayaa dhinaca kale lagu waramayaa in uu sababay dhimashada labo ruux halka dad kalana ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Shaqaalaha gadiidka dabdamiska ayaa sheegay in dabkan uu geystay khasaare aad u ballaaran oo saameyn weyn ku yeeshay in badan oo ka mid ah ganacsatadii suuqa oo qaarkood iyaga oo arkaya ay halkaa hantidooda ku basbeeshay.

Ugu danbeyntii, xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada ayaa gaaray suuqa, iyaga oo kormeeraya qeybaha kala duwan ee dabku saameeyay.