DEG DEG: Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo is casilay

0
228

Cadaado(INO)— Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii dowlad goboleedka Galmudug, sababo la xiriira caafimaadkiisa.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa goor dhow shaacisay warkan la xiriira is casilaada Madaxweynaha Galmudug.

C/kariin Guuleed ayaa sanadkii hore waxaa qalliin wadnaha oo saacado qaatay looga sameeyay dalka Hindiya, waxaana tan iyo wixii ka dambeeyay uu ahaa bukaan socod.

Mr Guuleed oo saaxib dhow la ahaa Madaxweynihii hore, waxaa kulan xubno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay ku yeesheen Cadaado horaantii bishii hore ay sheegeen inay xilka ka qaadeen.

C/kariin Guuleed ayaa xafladii caleema saarka Madaxweyne Farmaajo dalka uga maqnaa sababo caafimaad, isagoo xilligan ku jira Isbitaal ku yaala dalka Hindiya

4-tii bishii July ee sanadkii 2015 ayaa C/kariin Xuseen Guuleed loo doortay xilka Madaxweynaha Galmudug, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Cadaado.

Halkan hoose ka akhriso warqada is casilaada ee Madaxweynihii Galmudug oo ku taariikheysan 25-ka February oo ku beegneyd maalintii shalay:-