Dowladda Malaysia oo caddeysay in walaalka hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi lagu dilay sun sanka loo saaray

0
184

Kuala Lumpur.(INO)- Wasiirka caafimaadka dalka Malaysia ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gabo-gabeeyeen baaritaankii ay ku hayeen jirka Kim Jong-nam oo ah nin walaal la ahaa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo dhawaan lagu dilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur.

Waxa uu sheegay wasiirku in sun sanka loo saaray oo lagu magacaabi VX uu u geeriyooday ninkan taas oo weerarka xubnaha neerfaha ee jirka.

Haweeneyda geysatay falkan lagu weeraray Kim Jong-nam oo gacanta lagu dhigay ayaa booliska u sheegtay in lagu siiyay howshaasi ay fulisay lacag dhan 90 dollar, waxaana ay intaasi raacisay in arrinka looga dhigay in looga duubayay film “qosol” ah.

Kim Jong-nam ayaa waxa ay isku aabe yihiin hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, waxaana uu noqday khaa`inul wadan u adeega reer galbeedka iyo Koonfurta Kuuriya, waxaana loo badinayaa in dilkiisa la xiriiro arrintan.

Dowladaha Malaysia iyo Koonfurta Kuuriya ayaa waxaa xumaaday xiriirkooda sababo la xiriira dilkan ninkan, waxaana labada safaaradood ay u kala yeerteen safiiradooda ku kala sugan labada waddan.